cayaaraha

R.Madrid,Milan,Man City iyo Arsenal oo guul darooyin kala kulmay koobka horyaalada yurub.
R.Madrid,Milan,Man City iyo Arsenal oo guul darooyin kala kulmay koobka horyaalada yurub.
Rikoorka wanaagasan kooxda Real Madrid xilligaan ayaa waxaa bur burisay kooxda Broussia Dortmound oo garoonkeeda ugu adkaatay kooxda u soo martisay ee Reer Spain Real Madrid.
Borussia Dortmund ayaa gool ku hormartay ciyaarta ka hor inta uusan ka bar bareeyn C.Ronaldo oo ka faa’iideytay gool hayaha oo banaanka u soo baxay kadibna uu ka dul qaaday laakin waxaa goolka guusha u dhaliyay naadiga reer Jarmalk Schmelze.
Dhinaca kale.
Sidoo kale isla guruubkaan ciyaar aad u xiiso badnayd ayaa waxay dhexmartay kooxda Ajex iyo Man city waxana ka soo baxday natiijo aan la filayn kadib markii naadiga reer Holland ee Ajex ay 3-1 ugu badisay kooxda Man city taas oo kusii murjisay xaalka Tababare Roberto Mancini.
Dhinaca kale.
Kooxda Malaga ayaa walli sii wada ciyaaraheeda quruxda badan ay kasoo bandhigayso xilligii ugu horeeyay koobkan ay ka qeyb galayso waxana markana ka badisay kooxda Ac Milan oo ah naadiga 2-aad ee ugu guulaha badan koobkan horyaaalada naadiyada yurub una sheegtay in koobabkii hore ay qaaday Ac Milan ay ka fiican tahay Malaga oo sanadkeedii ugu horeeyay tariikhda ciyaarayso koobkaan uguna badisay 1-0 waxaana goolka u dhaliyay Joaquin.
Dhinaca kale.
Sidoo kale ciyaar kale ayaa dhexmartay kooxda Zenit St Petersburg iyo Anderlecht waxana lagu ciyaarayay dalka Ruushka waxana 1-0 ku badisay naadiga reer Ruush ee Zenit Petersburg.
Dhinaca kale.
Kooxda Arsenal ayaa kala kulantay niyad jab ciyaartii ay u socdaashay kooxda Schalke 04 waxaana looga soo badiyay 2-0,waana guul daradiii ugu horeeysay ee Arsenal soo gaarto koobka Naadiyada yurub muddo 17 ciyaarood.
Dhinaca kale.
Sidoo kale Kooxda Olymapiacos ayaa kasoo kabatay gool laga dhaliyay qeybaha hore ciyaarta waxana ay la ciyaraysay kooxda Montpellier waxaana ay ugu dambeyn iska soo bar bareeysay goolka isla markasna ay la timid guul oo ay adkaato.
Dhinaca kale.
Kooxda reer Portugal ee FC Porto ayaa guul ka gaartay ciyaar ay garoonkeeda ku marti galisay naadiga Ruushka ah ee Dynamo Kyiv waxayna ahayd guul dirqi ah oo ciyaarta ay ku dhamaatay 3-2 iyadoo naadiga FC Porto ay mar kasto goolka la hormaraysay lagana soo bar bareenayay ayaa goolka 3-aad waxa u dhaliyay Martinez laakin waa lasoo aari waayay.
Dhinaca kale.
Kooxda PSG ayaa guul ka gaartay ciyaartii ay la kulantay Dinamo Zagreb waxaana ay ku badisay 2-0 iyadoo goolasha mid kamid PSG u dhaliyay Zlatan Ibrahimovich.