qisooyinka jaceylka

Dunidaan aynu guudkeeda saaranahay waxa ku nool qomiyado kala duwan
 kuwaas oo aan isku diin, isku af, iyo isku dhaqan toona ahayn, balase
 wax ay kawada siman yihiin jaceylka, hinaasaha ama maseyrka iyo
 waxyaaba kale.

 Qarniyadii hore jaceylka waxaa uu ahaa mid ay dadku aad u qadariyaan
 aadna u qiimeeyaan. Waxaynu ognahay in dad badan ay u dhinteen
 jaceylka halka kuwa kalana dhibaatooyin badan kala kulmeen.

 Dadka baalka lama ilaabaanka ah ka galay taariikhda jaceylka waxaa ka
 mid ah jaceylkii Cilmi boodhari iyo Hodan, Qeys iyo leyla, Cantar iyo
 ceebla.

 Qarnigaan aynu ku jirno dad badani waxa ay aaminsanyihiin in jaceylku
 yahay wax jira, halka kuwa kalana ay u heystaan in jaceylku uu yahay
 wax aan jirin oo ku kooban afka oo kaliya oo aanan uurka jirin.
 Laakiin waxaa xaqiiqa ah in jaceylku yahay wax jira kaasi oo ka
 bilowda ka helitaan iskuna bedela dareen ku abuurma qofka qalbigiisa,
 dadka aaminsan in jaceylku aan ahayn wax aan jirin waxaan dhihi karnaa
 waa kuwa aan fahansaneyn wax uu yahay jaceylka oo aan wali wax
 jeclaan.

 Inta aanan ugudbin dulucda maqaalka oo ah (sidee ku kasbankartaa qalbi
 kaa janjeera?) ayaa waxa laga yaabaa in ay dad badani, is weydiinayaan
 su,aasha ah waa maxay qalbi kaa janjeera?

 Qalbi kaa janjeera waa qof aad gaclootay oo isagana aanan u soo jeedin
 jaceylkaaga ama ku mashquulsan qalbi kale.

 Dhalinyaro badan ayey arintaani lasoo gudboonaatay kuwaasi oo qaarkood
 ku degdegay in ay u soo bandhigtaan jaceylkooda qofkii ay jeclaadeen
 iyagoo aan isweydiin maxaa kaaga imaan kara.
 Waxa dhacda inta badan in qofkii ay u soo bandhigteen jaceylkooda uu
 soo dhaweeyo soo dhaweyn aan uurka jirin balse ay katahay niyad dhis,
 iyadoo qofkii jaceylka hayayna uu u qaato inuu ku guuleystay
 jaceylkiisa oo uu helay qalbigii uu gaclooday.

 Laakiin muddo ka dib ayuu ogaadaa in uusan helin jaceylkiisa oo uu ku
 guul dareystay kasbashada qofkii uu qalbigiisa u taamayay.

 Taasina waxa ay sababtaa niyad jab weyn iyo iyadoo qalibigiisu soo
 gaadho dhaawac xanuun badan.

 Qaar kale oo ka mid ah dhalintaan waxaa ay danta ku kaliftaa in ay
 qarsadaan jaceylkooda intii ay guul daro iyo xumeyn kala kulmi
 lahaayeen u soo bandhigida qofkii ay jeclaadeyn.

 Taasina ma ahan mid uu qalbigooda ku bogsanayo, waxaana kusii kordhaya
 jaceylka iyo rabitaanka uu u qabo qofka uu jacelyahay, Soomaaliduna
 waxa ay ku maahmaahdaa waxaad qarsato weey ku qarsadaan.

 Hadaba aqristoow hadii ay kula soo gudboonaato arintaan oo kale oo aad
 weydo sidii aad u heli lahayd ama ku kasbanlahayd qofka aad jeceshahay
 qalbigiisa, waxaad kaga bogankartaa dulucda maqaalka oo ah Sidee ku
 kasbankartaa qalbi kaa janjeera?). Sidaaad ku kasbankarto qalbi kaa
 janjeera wey fududahay hadii aad sameeyso shuruudahaan soo socada.

 1.Ugu horeyn hanoqon qof ku degdega u bandhigida ama ugudbinta qofka
 aad jeceshahay fariiintaada jaceylka.

 2.Waa inaad tahay qof furfuran dabeecad wanaagsana leh.

 3.Hadii aad tahay dumar waa inaad ahaataa qof xishood badan.

 4.Waa inaad tahay qof qurux badan soo jiidashana leh.

 5.Hadii aad tahay gabadh ama wiil ku dadaal sidii aad u ogaan laheyd
 qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo ama balwadiisu tahay
 adigoo aan weydiin qofka aad jeceshahay, Balse raadi wada kale oo aad
 ku ogaan karto sida adigoo ka wareysanaya saaxiibkii ama saaxibadeed
 adigoo aan lagaa dareemin u jeedkaadu waxa uu yahay.

 6.Mar walba uga sheekeey qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo.

 7.Ogoow jaceylku indha malahan, Qofka uu qalbigaagu raacay hadii uu
 yahay qof balwadiisu wanaagsaneyn ku dadaal sidii aad uga waanin
 laheyd adigoo hadalo macaan kulahadlaya.

 8.Qofka aad jeceshahay hadii uu yahay qof kaa fog oo aad laba wadan ku
 kala nooshihiin ku dadaal sidii aad u xiriirin laheyd mar walba adigoo
 telifoon kula hadlaya ama waraaqo lagu xardhay ereyo qalbiga u roon
 ugu diraya aalada casriga ah ee internetka.Hadiise aad hal wadan wada
 joogtaan, ama aad meel kawada shaqeysaan waa inaad mar walba ku soo
 dhaweysaa waji furan oo ay farxadi ka muuqato.

 9.Qofka aad gaclootay hadii uu kaa fogyahay ama meel wada joogtaan
 noqo qof ka warqaba oo la qeybsada farxad iyo murug wixii soo wajaha.

 10.Noqo qof loo xiiso marka uu maqanyahay iyo marka uu joogo.
>
 11.Waa inaad tahay qof mar walba ilaaliya balanta.

 12.Kudadaal in aad u hadiyadeyso qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu
 xiiseeyo.Ogowna hadiyadeynta waxey qeyb libaax leh ka qaadataa
 kobcinta jaceylka.

 Guntii iyo gabagabadii hadii aad intaa sameyso adigoo alle ku xiran
 waxaa xaqiiqa ah inaad kasbaneysid qalbigii kaa janjeeray waliba adoo
 afkaaga uga sheegan jaceylka aad u qabtid oo uu isaga kaalasoo hormari
 doono jaceylka aad qalbigiisa ama qalbigeeda ku abuurtay.

 Waxaan ku soo gabagabeynayaa qoraalkeyga in aad dhalinyahay noqotaan
 kuwa ka fogaada waxyaabaha xunxun ee ay reer galbeedka ku dhaqmaan oo
aanay diinteena islaamka waafaqsaneeyn